Home / Cayaaro / Juventus oo weerarkeeda ku xoojinaysa Haaland

Juventus oo weerarkeeda ku xoojinaysa Haaland

Himilo – Juventus ayaa eeganaysa weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland oo ay dooneyso inay kaga hormarto Real Madrid oo xiiseynaysa laacibka.

Kooxda reer Talyaani ayaa la filayaa inay xoojiso weerarkeeda kahor xilli cayaareedka soo socda. Tuttosport ayaa ku waramaysa in Juventus ku wareertay doorashada cayaaryahannada Arkadiusz Milik, Raul Jimenez, Mauro Icardi iyo Gabriel Jesus.

Isla warbixintan ayaa tilmaamaysa in kooxda heysata horyaalka Talyaaniga dooneyso inay la soo wareegto Haaland oo katirsan Dortmund.

Haaland ayaa la rumeysan yahay in uu ugu horreeyo liiska cayaaryahannada ay dooneyso Real Madrid.

Weerarka Juve ayaa dhaliyay 50 gool oo Serie A ah xilli cayaareedkan- waxay 20 gool ka yaryihiin Atalanta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan