Home / Cayaaro / Juventus oo xaqiijisay xiisaha Aaron Ramsey

Juventus oo xaqiijisay xiisaha Aaron Ramsey


Himilo FM – Agaasimaha Isboortiga Juventus Fabio Paratici ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay dooneyso inay la soo saxiixato xiddiga Arsenal Aaron Ramsey.

Ramsey ayaa qandaraaska uu kula joogo Arsenal waxa uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana xiddiga heerka caalami ee dalka Wales la filayaa inuu kaga tago Emirates Stadium si xor ah ka dib markii uu burburay wadahadaladii heshiis kordhinta.

Ramsey ayaa haatan xor u ah inuu wadahadal la galo kooxo ajaaniib ah iyadoo Bayern Munich, Inter Milan, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ay dhamaantood sheegeen inay xiiseynayaan 28 jirkaan.

Juventus ayaa hadda si rasmi ah u xaqiijisay inay xiiseynayso ciyaaryahanka reer Wales iyadoo Paratici uu  ku tilmaamay “ciyaaryahan weyn”.

“Ramsey waa ciyaaryahan weyn, wuxuu joogaa heer sarre sanado badan wuxuuna u ciyaaraa koox weyn, qandaraaska Ramsey wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka, mar walbana waa fiirineynaa xaaladaha la abuuri karo, Juve way ku jirtaa. haatan waa ciyaaryahan Arsenal ah “ayuu Paratici u sheegay Sky Italia.

Ramsey ayaa 355 kulan u saftay Arsenal tan iyo markii uu 2008 ka yimid Cardiff City.

Xilli ciyaareedkan, ciyaaryahanka qadka dhexe ayaa dhaliyay seddex gool, lixna waa uu caawiyay 24 kulan oo uu u saftay Gunners tartamada oo dhan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan