Home / Arrimaha Bulshada / Kaalinta goobaha lagu xanaaneeyo carruurta

Kaalinta goobaha lagu xanaaneeyo carruurta

Muqdisho – Maqalka aad maqlaysaan waa carruur aad u yaryar oo aqrinaya xadiis Nabi. Balse hamoodin inay joogaan dugsi Qur’ankii badi dadkeennu diinka kusoo barteen – hana u qaadan inay ku jiraan iskoolladii heerka dhexe iyo sare isugu jiray. Waa goob xanaano ah oo carruur abaydin ah lagu ababiyo oo la yiraahdo Muqdisho International oo ku taalla Taleex, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobtan Xanaanada ah ee lagu barbaariyo ubadka qoysaska nolosha dabaqadaha roonroon ee bulshadeenna ku jira, waxay taniyo 2013 kamid noqotay tiro xanaano ah oo ku dhashay kacaanka cusub ee furista goobo lagu ababiyo carruurta.

“Madadaalada ugu weyn ee aan siino carruurtan ayaa ah inay waqti ciyaaraan: waqtigana wax aqristaan: waqtina wax loo dhigo: iyo waqti ay wax cunaan,” ayuu yiri  Shire Salad Cawke, madaxa xarunta xanaanada Muqdisho International. Wuxuu sheegay inay dhallaanka siiyaan firfircoonida ugu weyn noloshooda oo ah maaweelo joogto ah iyo deegaan u sahla inay si fudud ula qabsadaan fahamka noloshooda cusub.

Balse taas kaliya ma ahan aragtidooda. Inay sidoo kale badalaan fikirka dhallaanka da’yarta laga qabi jiray waayadii hore ayaa ah qeyb kale oo kamid ah hadafkooda.

“Waagii hore waxaa macalinka dugsi Qur’anka wuxuu dhihi jiray 5-jir, 15-jir iyo shan cunugba wax lama bari karo: innaga laakiin waxaad arkaysaa carruur aad u yaryar oo wax loo dhigayo: gelinna si kale oo maaweelo ah wax lagu fahamsiinayo.”

Halka dad qaar kaliya moodayaan in carruurta lagu hayo goobaha xanaanada ay yihiin dhallaanka qurba-joogta, badi dadka halkan keensada carruurtooda waa kuwo sababo jira kusoo qaaday inay ilmahooda kusoo simaan gacmaha xanaanooyinka. Faarax Maxmed Cali waa mid kamid ah waalidiintaas. Wuxuu ii sheegay in geynta ilmihiisa goobtan oo kale oo door togan ku leeyihiin barbaarintooda.

“Aniga iyo xaaskayga oo shaqeeya awgeed ayan carruurtayda halkan u keenay. Aad bay runtii ii farxad gelinaysaa inaan arko ilmahayga ooakhlaaq iyo aqoon diimeed lagu ababinayo,”ayuu yiri Faarax oo intaas kusii daray in kolkay carruurtu guriga kusoo noqonayaan ay farxad kusoo qaabilaan.

Bilowga shaqada ah in la xanaaneeyo ubadka, waxay ahayd fikir iyo fal-gelin halmar isla kowsaday. Waalidiintuna way ku adkeyd inay carruurta maalin moogaadaan. Hayeeshe, taniyo muddaba, Cawke ayaa ii sheegay inay kalsooni ka heleen waalidiinta ilmaha ku jira xanaanadooda.

“Ilmuhu marka subaxii lagaaro waxay dhursugi waayaan baabuurka intay ka raacayaan. Markay laabanayaan iyaga oo faraxsan ayay naga tagaan, waxay meelaha u arki karaan xabsi laakiin halkan xurnimo ayay muujiyaan inay ku helaan,” ayuu tilmaamay Cawke oo xusay in mid kamid ah waalidiinta ay maalin u timid iyada oo weydiinaysa in – haddii iyaguba ay ku qanacsan yihiin heysamada carruurteeda – ay jeceshahay inay ku koraan xanaanada.

Dadaalka ay bixinayaanna ka xanaano ahaan waa mid helaya soo dhaweyn fiican iyo bogaadin, marka loo eego tirada goobahan oo soo kordhaya.

Xanaanada al-Basha’ir waa mid kale oo kamid ah goobaha lagu ababiyo ubadka oo ku taalla degmada Wadajir ee gobalka Banadir. Iyada oo ku jirta fasal kamid ah fasallada, Sacdiya Ibrahim Abdi, madaxa xarunta al-Bashaa’ir, waxay ii sheegtay inaysan wax weyn ahayn helidda tiro balse waxa adag ay tahay inaad tayo kusoo saarto tiro badan oo kusoo qaabila.

“Yacni fasalkii waxaa ku jira tiro uu macalinku aamini karo inuu ka dhaadhicin karo waxna bari karo; taas waxay sababtay in carruutu ay si dardar leh u bartaan Qur’anka iyo Sunnada: hadda xagashaas ah inaad macalin xanaanood tahay waxay ka dhigan tahay waad ka duwan tahay bare kale.”

Balse Cawke iyo Sacdiyaba, caqabadaha soo wajahaya ma ahan kuwo is hortaagi kara riyadooda ah inay fac cusub oo leh asluub iyo aqoon soo kordhiyaan. Hankooduna ma ahan mid hooseeya.

“Maalin dhaweyd waxaan is aragnay ku dhawaad 27 xanaanood: waxaan isku af-garaneynay inana midowno si aan tayadeenna usii xoojinno. Rajo ayaana muuqata usoo iftiimaysa carruurta iyo innagaba,” ayuu yiri Cawke.

Sacdiya ayaana iyaduna intaas kusii dartay: “Waxaan ku taamayno waa tayo ee ma ahan tiro. Iskuullo way jiraan laakiin waxaan wada jirin tayo sugan in laga wada helo dugsi kasta.”

Rajada waalidiintu ka qabaan carruurtooda ku jira xanaanadana waa mid sarreysa.

“Mustaqbal fiican ayaan ka arkaa nolosha carruurtayda ee ku jira goobaha xanaanada.”

Jiilka xarumahan kusoo ababaya oo ku nool deegaanka badi dadkiisu dabeecadda hal-adeygnimo iyo hab-la-dhaqanka aan ku dhisneyn mahadsanid uu wax caadi ah ka yahay dhexdiisa, saameynta ay goobahani ku yeelan karaan soo saarista jiilka ka fiyow caay iyo canbaareyn ayaa ku harsan hubaal la’aan.

Balse inta laga helayo door midaysan oo ay wada yeeshaan goobaha kala duwan ee wax lagu baro ubadkeenna iyo bulshada guud ahaan, ma noqonayso wax la qaayibo ama la dheereysto inaad aragto ilmo isla afkii ay alif ku aqriyeen – ku aflagaadooda.

F.G: Sawirka kuu muuqda kama turjumayo xarumaha laga diyaariyay warbixinta midkoodna. Waa xul lagala soo baxay google.so.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Isha: radiohimilo.so

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan