Home / Macluumaad / Kaalinta nalalka ileyska qoraxda ku shaqeeya iyo daryeel la’aanta heysata

Kaalinta nalalka ileyska qoraxda ku shaqeeya iyo daryeel la’aanta heysata

Muqdisho – “Hilible ayan ahay: waxana iga saaciday nalalka habeenkii inaan halkan ku ganacsado: masha Allah, faa’iido waaweyn ayaan ku qabaa.”

Faalladaas waxaa tiraabaya Salaad Cali Fiidow  oo si joogta ah habeen kasta, waddo iftiin badan oo ku dherersan mid kamid ah laamiyada waaweyn ee magaalada Muqdisho ku iibiya hilibka. Wuxuu shaqada uu subaxii hore soo bilaabo ka hoydaa 9:30 habeennimo. Kahor helidda ileyska nalalkan ku shaqeeya, Salaad wuxuu galab gaabadkii ka galban jiray halkan. Balse taniyo ku dhawaad 3 sano wuxuu awooday inuu shaqadiisa har iyo habeen joogteeyo.

Kaligiisna ma ahan kuwo fursadaas helay.

Waxaa jiray kumaamkun danyar u badan oo leerarka cadceedda ku shaqeeya iftiinsada habeenkii – kagana faa’iideysta ganacsiyadooda yaryarka ah.

In cabbaar ah marka laga yimaado Salaad goobtiisa, waxaa si lamid habeen walba caano ku iibisa Hindiya Shiikh Cismaan oo shidnaanta nalalkan ay door muuqda ka ciyaareen ganacsigeeda

“Kol hore meeshan habeenkii xilli hore ayan ka hoyan jiray, balse sida aan u helnay nalalkan, isbadal ayaa ku yimid ganacsigayga. Waayo qof kasta oo raba inuu wax kaa iibso ayaa kuu imaan kara, u eegis la’aan da’dooda, xittaa carruurta,” ayay tiri Hindiya oo da’da 30-jirka ku dhow.

Balse labadooduba, Hindiya iyo Salaad, shidnaanta nalalkani uma noqdaan joogto ay ku tashadaan. Waxaa jira waqtiyo aan farxad ugu dhamaan oo dib u xusuusiya waxa ay ka dhigan tahay in dib loo dhadhamiyo gudcurkii ay ku jireen sanado kahor. Hayeeshe, tani uma muuqato mid dhib weyn ku leh hab sami u socodka ganacsigooda.

“Mararka qaar, waxaa kugu qasab ah inaad baajiso dalabka aad rabto inaad habeenkii iibiso: inta badanse waxaan isku deynaa inaan tooshka ku gudno inta nalka naga maqan yahay,” ayuu yiri Salaad oo waslado hilib ah u jarjaraya macmiil u taagan abbaare 9:15 pm.

Hindiya ayaa iyaduna si lamid ah Salaad ku maareysa mugdi marar ay ku aragto maqnaanshiyaha ileyska nalalkan.

“Waxa ugu weyn ee aan isku daynaa ayaa ah maadaama ay shaqadeennu joogto tahay inaan inta yar ee ay korontada maqan tahay ku dadaalno helidda ileys kale sida xittaa midka kasoo iftiima dukaamada si aan howsheena u sii wadanno. Dhib malahan inta yar waayo waxaa ka badan inta aan mar kasta ku heysanno.”

Xoojinta ganacsiga habeenkii ma ahan kaalinta kaliya ee ay buuxiyeen leerarka cadceedda ku shaeeya. Waxaa kale si buuxda qeyb uga qaateen cawaysiga iyo damaashaadka habeenkii ee dhalinyarada.

“Wallahi kaaf iyo kala dheer unbaa dhihi karaa shalay iyo maanta,” ayuu yiri Libaan oo kamid ah dhalin ku jalbeebsata maqaayad kaabiga ku heysa laami weyn oo iftiin badan. “Waxa noogu muhiimsan waa inan is wada arki karno; is wada maqli karno; taas waa kaalin nalalku soo kordhiyeen.”

Xittaa gabdhuhu waxay nalalkani u noqdeen wadiiqo u sahasha bad-qabkooda iyo fulashada danahooda dumarnimo.

Farxiya Cumar Xasan, waxay si dhiirranaani ku jirto ugu soo baxdaa howlaha kaga xirnaada bannaanka ee gurigooda la xiriira. Marista waddo iftiimaysa, cabsidu kuma ahan dhib ay in badan ka sheegato.

“Xilliga aan adeeg u baahdo mafiiriyo waqtiga la joogo ee waxaan ku tashataa shidnaanta nalalkan: waayo haddii aad marayso meel iftiin badan, macnaheedu waa inaad ugu yaraan nabad-geli karto. Taasina waa door weyn,” ayay tiri Safya iyada oo gacanta ku sidata bac ay ku jiraan bur iyo sanbuus ay kasoo iibsaday maqaayad laamiga ku dhow.

Hayeeshe, waa sugnaan la’aanta taraafiko joogto ah iyo ilaalo kormeerta badqabka baalayaashan cadceedda ku shaqeeya taas oo nadoocinaysa bilicda ugubka ah ee jidadka Muqdisho iyo faa’iidooyin bulsheed ee ay ku fadhiyaan habeenkii.

Badi waxay ku dumaan shilalka gaadiid ku dhaca. Qaarna waxaa wax-yeela jacda roobka iyo biyaha. Halka kuwana laga baxo battariyada Solar oo si kama’ ah loo jebiyo.

Xal u helid la’aanta dhibaatooyinkaas waxaa dusha u ridanaya qeyb ahaan maamulka gobalka Banadir. Si aan u helno xog dheeraad ah waxaan booqanay xarunta agaasimaha gurmadka degdegga ah ee Soolarada, mr. Abdullahi Maxamed Saney.

Saney wuxuu sheegaya in nalalkani helaan daryeel balse wajahayaan caqabado dhowr ah oo aysan mooganeyn jiritaankooda.

“Waxaa jira dhowr gaadiid iyo shaqaale u gaar ah nalalkan kuwaas oo si joogto ah ugu shaqeeya inay si fiican u shaqeeyaan,” ayuu yiri Saney oo ku dhawaad intii uu howshani ku guda-jiray sheegaya inuu la kulmay dhacdooyin halis ku ah badi baalayaasha suran waddooyin qaar ee caasimadda. “Dhib jirta waxay tahay dadku maba oga nalalkani inay yihiin hanta qaran: qaar baa xabad ku dhifta, kuwaas gaadiid ku jiira: kuwana waxayba kala baxaan fiyuusyada iyo soolarka,” ayuu si adag u yiri.

“Marka maxay dowladda hoose oo kale qaban kartaa,” ayuu marar isa su’aalay isaga oo hubsanaya shaqada adag ee wali kaga aadan badbaadinta iyo daryeelka baalayaasha.

Faallada mr. Saney waxay daba soctaa diif muuqata oo laga dheehan karo baalayaasha cadceedda ku shaqeeya kuwaas oo si aan shucuur dalnimo loogu wada guntan in lagu ilaashado.

Fahamka ah meesha ay kaga jiraan muunada quruxsanaanta iyo muuqaal caasimadnimo, ayaa ah cashar wali u dhiman in loo micneeyo da’yarta ku hana-qaaday dagaallada kuwaas oo aan soo gaarin magaalada madax mar Afrika ka noqotay mida ugu quruxda iyo hufnaanta badan dunida  saddaxaad.

Balse inta laga fahmayo micnaha dhabta ah ee baalayaasha kusoo biiriyeen bilicda Muqdisho, dowladda hoose ee Xamar iyo bulshada intooda garashada iyo wax-galka u saaxiibka ah waxaa saran mas’uuliyad guud oo dhex-taal taas oo suura-gelisa bad-qabsanaanta baalooyinka soolarka ku shaqeeya.

 

Warbixintan iyada oo codeysan halkan ka dhageyso. Waxaana soo jeedinaya wariye Maxamed Qadar.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan