Home / Habka-Nolosha / Kabtankii ugu horreeyey xulka England ee madowga ahaa oo geeriyooday

Kabtankii ugu horreeyey xulka England ee madowga ahaa oo geeriyooday

Muqdisho –  Ciyaaryahankii hore ee Xulka qaranka saddexda libaax ee England ee Ugo Ehiogu ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu ay tahay 44 sano  kadib markii uu wadne xanuun ku soo booday isaga oo jooga Garoonka tababarka Tottenham Hotspur  maalinimadii Qamiista.

Ugo Ehiogu oo ahaa macalinka ciyaartooyda ka yar 23-ka sano ee kooxda Spurs ayaa galay xaalad caafimaad oo dagdag ah isaga oo ku sugan garoonka tababrka wuxuuna dareen caafimaad oo dagdag ah ka helay dhaqaatiirta kooxda.

Adeegyada degdegga ah ayaa soo gaaray goobta qiyaastii 11.30am iyadoo Ehiogu loo qaaday Isbitaal, laakiin waxa uu geeriyooday saacadihii hore ee subaxnimadii jimcaha.

Kooxda ayaa soo saartay war qoraal ah, waxaana lagu yir  “Waa waqti murugo aad u weyn leh  in aan ku dhawaaqo dhaco dhimasho ah oo ku timid tababaraheenii 23 jirada ee Ugo Ehiogu”.

Kooxda ayaa sidaas oo  kale u tacsiyeysay dhamaan Eheladii, Asxaabtii iyo Bahdii Sports-ka ee uu ka baxay Ugo Ehiogu.

John McDermott oo ah madaxa Tababarayaasha iyo Hormarinta kooxda Tottenham ayaa isna ka mid ah dadka tacsida u diray Eheladii Ehiogu

Ehiogu waxa uu ka soo muuqday in ka badan 200 oo kulan kooxda Aston Villa  intii u dhaxaysay 1991 and 2000, isaga oo kadib Todobo sano ku qaatay kooxda, waxa uu ku guulaystay League Cup intii uu u ciyaarayay Aston Villa  isagoo qaaday sanadihii 1994 iyo 1996.

Daafacaan dhexe  ayaa sidoo kale u soo ciyaaray West Bromwich Albion, Leeds United, Rangers iyo Sheffield United, waxaana uu ka soo muuqday Afar kulan  kooxda koobaad ee England ka hor inta uusan ka fariisan cayaaraha 2009kii.

Waxaana lagu xasuustaa in uu ahaa Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Madow ah ee kabtan ka noqda Xulka Qaranka England.

Abdi Aziz Adan Urur

Cabdicaziiz149@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan