Home / Macluumaad / Kaddib 500 jeer oo aan la aqbalin codsigiisa shaqo, hadda ayay shaqaaleysiisay QM

Kaddib 500 jeer oo aan la aqbalin codsigiisa shaqo, hadda ayay shaqaaleysiisay QM

Himilo – Momo Bertrand ayaa ugu danbeyn shaqo ka helay Waaxda Baraha Bulshada ee Qarramada Midoobay kaddib markii uu guuldarreystay 500 oo jeer.

Waxa uu ku dhashay Douala ee dalka Cameroon, Bertrand oo isku dayo badan sameeyay ayaa sheegay in uusan dhageysan jiri hadallada diidmada ee ka imaanaya saaxibbadii ay isku fasalka ahaayeen kaddib marka uu u bandhigo in uu ka shaqo ka raadinayo Qarramada Midoobay.

“Markaan u sheegay saaxibbadeyda, way igu qosleen, marnaba adiga uma shaqeneysid UN-ka, halkii aad iyagu wax ka raadin laheyd waa in aad shaqo barennimo ka raadisaa San Diego.” Ayuu yiri Momo.

“Ma dhageysan. Kaddib 500 jeer oo aan ku guuldarreystay codsigeyga, waxaa la ii qaatay Waaxda Baraha Bulshada ee ITCILO.org, oo kamid ah xarrumaha Qarrmada Midoobay ayuu hadalkiisa raaciyay”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan