Home / Habka-Nolosha / Kala sarreynta gool-dhalinta horyaalka Premier League

Kala sarreynta gool-dhalinta horyaalka Premier League

Muqdisho – Horyaalka Premier League ayaa hakad ku jira sababo la xariira ciyaarista tartanka labaad ee ugu xiisaha badan gudaha England ee FA-Cupka, saadad kusoo aragteen ciwaanka sare waxaan idiin soo bandhigeynaa kala sareynta Gool-dhalineed ee horyaalka Premier League.

Waxaa xusid mudan in  labadii sano ee lasoo dhaafay uu abaal marinta kobta dahabka ee Premier League uu hantiyey laacibka kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo hadda mar saddexaad u muuqada mid aan laga xigin ku guuleysiga kobta dahabka ee sanadkan.

Harry Kane ayaa hogaaminya tartanka loogu jiro ku guuleysiga gool-dhalinta horyalka Ingriiska, laacibkan hormuudka u ah Tottenham ayaa leh 21 gool isagoo sidaas kale caawiye ka noqday mid kale, 1958 daqiiqo ayuu ciyaaray tan iyo markii uu bilaawday horyaalku taas oo ka dhigan 93 daqiiqo kasta in uu ku dhaliyey hal gool.

Hadaba hoos ka aqriso liiska kala sareynta gool-dhalinta horyaalka Ingriiska.

Harry Kane, Tottenham, 21 Gool.

Mohamed Salah, Liverpool,18 Gool.

Sergio Agüero, Man City, 16 Gool.

Raheem Sterling, Man City, 14 Gool.

Romelu Lukaku, Man Utd 11 Gool.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan