Home / Habka-Nolosha / Kane oo xagaaga xiga ku taamaya inuu 100 ku af-meero tirsiga gool-dhalintiisa.

Kane oo xagaaga xiga ku taamaya inuu 100 ku af-meero tirsiga gool-dhalintiisa.

Muqdisho – Xiddiga Tottenham, Harry Kane ayaa jeedaalinaya inuu tiigsado rikoorka qarniga ee gool-dhalinta horyaalka PL xagaaga soo aadan – xilli uu ku dhawaaday ku guuleysiga kobaha dahabka.

Kane ayaa dhaliyay 4 kamid ah goolashii ay kaga adkaadeen naadiga Leicester City taas oo kusii durjisay kala horreynta safka koobaad ee gool-dhalinta.

23-jirka u dhashay Qaranka England ayaa 26 gool dhaliyay xagaagan tiiyoo ay u harsan tahay hal kulan.

Kane ayaa kol hore dareenkiisa ku weeciyay xagaaga 2017-18, isaga oo bartilmaameedka saartay 100 gool.

“Waxaan filayaa inaan qof ku iri waa wax weyn inaan xagaaga xiga 100 gaarsiiyo goolashayda,” ayuu yiri.

“Waxaan hadda taaganahay 75 gool; marka haddii xilli kale uu yimaado 100 gool waan gaarsiinayaa.”

“Waxaan u maleynayaa in saddex kulan aan dhalin wax gool ah, hayeeshe kulamadii danbe waxaan sameeyey ban-dhig wanaagsan.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan