Muqdisho – Kubad-qaabeeyaha reer Faransa, N’Golo Kante ayaa shaaciyay inuu doonayay ku biirista naadiga Marseille halkii uu ka yimid horyaalka England PL.
Kante, oo 25-jir ah, wuxuu ku dhamaaday kooxda Leicester City isaga oo la qaaday horyaalka kahor intuusan kusoo biirin Chelsea
Hayeeshe weeraryahankan ayaa sheegay inuu dareensanaa rabitaankiisa ah ku biirista kooxda Marseille – inay u fiicneyd kahor intuusan ku nagaan England.
“Mid kamid ah kooxaha aadka ii doondoonayay waxaa kamid ah Marseille iyo Leicester,” Kante ayaa u sheegay Canal +. “Waxaan gocanayay kamid noqoshada saaxiibadayda xulka qaranka Faransiiska. Waxayna aheyd koox aan jeclaa gaar ahaan ciyaaraha UCL.”
Hayeeshe joogistiisa Chelsea wuxuu laacibkani ku dareemayaa niyad fiican maadaama ay kooxda kula sugan yahay laacibiin kale oo u qalma mudnaantiisa.
“Waxaa jira ciyaartoy dhif ah oo u qalma inay helaan abaal-marin,” ayuu yiri.
“Waxaana kamid ah [Eden] Hazard, Diego Costa iyo David Luiz oo igala tirsan naadiga.”
Chelsea ayaa 10-dhibcood oo saxar la’ ku hoggaaminaysa horyaalka PL iyada oo Sabtida soo soctana la dheeleysa kooxda Crystal Palace.