Himilo FM – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Kasey Palmer ayaa ku biiray kooxda Bristol City inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kaddib markii ammaahda uu ku joogay Blackburn la soo gaabiyay .
Palmer, oo 22 jir ah, ayaa loo qorsheeyay inuu sii joogo Blackburn xilli ciyaareedka 2018/19 markii uu tagay bishii July, laakiin waxa uu ciyaari karaa kulanka horyaalka ee gurigooda kula ciyaaryaan kooxda Bolton Sabtida.
“Waan ku faraxsanahay inaan awoodno inaan la saxiixano Kasey Palmer si ammaah ah oo uu kaga yimid Chelsea tan iyo dhammaadka xilli ciyaareedkan, waana wax weyn inaan taas sameyno xilli hore suuq furanka ” ayuu tababaraha City Lee Johnson u sheegay website-ka kooxda.
Palmer ayaa dhaliyay seddex gool 17 kulan oo uu u saftay Blackburn, sidoo kale wuxuu ammaah ugu soo ciyaaray Huddersfield (labo jeer) iyo Derby.
Hase yeeshee, wuxuu weli sugayaa in uu u ciyaaro kulankiisii ugu horreeyay ee Chelsea, laakiin wuxuu ka caawiyay Huddersfield inay u soo gudubto Premier League xilli ciyaareedkii 2017, waxaana uu afar kulan oo horyaalka ah u saftay xilli ciyaareedkii hore.
Blackburn ayaa ku xaqiijisay website-keeda rasmiga ah in Palmer laga soo celiyay ammaahdii uu kula joogay kooxda Ewood Park ku Ciyaarta.