Home / Deegaan / Kazakhstan oo sharfeysa madaxweynihii hore ee dalkaasi

Kazakhstan oo sharfeysa madaxweynihii hore ee dalkaasi

Himilo FM –Dowladda Kazakhstan ayaa go’aansatay inay magaca ka beddasho caasimadda dalkaasi ee Astana iyadoo loogu magac darayo madaxweynihii hore ee Nursultan Nazarbayev.

Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha cusub ee dalkaasi Kassym-Zhomart Tokayev ayaa lagu xaqiijiyay qorshaha ah in magaca laga beddelo caasimadda Astana iyadoo loo bixinayo Nursultan.

Mr Tokayev ayaa loo dhaariyay madaxweynaha Kazakhstan arbacadii la soo dhaafay, waa maalin kaddib markii Nursultan Nazarbayev uu xilka iska casilay.

Nazarbayev oo ah 78 jir ayaa Kazakhstan maamulayay tan iyo markii uu dalkaasi qaatay madax bannaanida kaddib burburkii Midowgii Soofiyeet sannadkii 1991-kii.

Waxa uu noqday madaxweynaha xilka ka dagay hoggaamiyihii ugu horreeyay bartamaha Asia ee si doonis ah uga taga kursiga.

Bishii Febraayo, Nazarbayev ayaa meesha ka saaray dowladdii xilligaasi jirtay isaga oo xusay inuusan jirin kobac dhaqaale, waxaana uu ballan qaaday in la haggaajinayo nolosha dadka.

Qorshaha magaca looga beddalayo caasimadda Kazakhstan ayaa waxaa ka soo horjeestay dad badan, 36 kun oo qofood ayaa saxiixay warqad furan oo ka dhan ah tallaabada uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub ee  xilka loo dhaariyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan