Himilo-Dowlada Kenya oo ku dhawaaqay qorshe ballaaran oo bilaha fasaxa ee sanadkan lagu beerayo dhir. Qorshahan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dowlada Africa ah ay dalkeeda ka samayso.
Mashruuca dawladda ayaa ah in la beero dhir gaaraysa 15 bilyan oo geed illaa sanadka 2032-ka.
Wasiirka arrimada gudaha Kithure kindiki oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa sheegay in qorshahan ay golaha wasiirada ay meel mariyeen.
Barnaamijkan waxaa maalgelinayaa lacag gaaraysa 80 milyan oo dollar.
Kenya waxay ka mid tahay dalal uu saameeyay isbeddelka cimilada. Qorshahan ayaa lagu wadaa in lagu ilaaliyo kaymaha Kenya.