Himilo – Dowladda keyna waxay gabi’aahaan joojineysa kabaha dibadda uga yimaada sanadka dambe. wasiirka ganacsiga Moses Kuria waxa uu sheeay inay gaareen isku filnaasho gudaha ah.
Kuria oo xariga kajaray warshadda laga dhisay deegaanka Rumuruti waxa uu shegay dowladu inay fursad siineyso wax-soosaarka gudaha.
‘Halkii dibadda kabaha laga keeni lahaa dowladu waxay awood siineysaa waxsoosaarka gudaha’ ayuu hadalkiisa sii raaciye.
Xoolaha dalkaa ayuu sheegay inay awood u siinayaan in laga guuro agabkii dibadda laga keenaye.
Wasiirku waxa uu hadalkiisa sii raaciye in 50% lagu kordhinayo kabaha dibadda laga keeno si loo dhiiri galiyo waxsoosaarka gudaha.
Dadka Qaaradda Africa inta badan waxay isticmaalaan waxyaabo dibadda looga soo waarido halkii ay dhiirigalin lahaayeen waxsoosaarkooda taasina waa midda keentay in warshadaha qaarada gudaheeda ku yaal aysan awood badan yeelan.