Muqdisho – Mezut Ozil wuu isaga tagi doonaa Arsenal bisha January ee sanadka soo aadan, sida uu yiri Martin Keow.
Xiddiga xulka Jarmalka ayaa ku jira sanadkiisa ugu danbeeya heshiiska uu kula joogo Arsenal.
Hubaal la’aan ayaa ku jirta mustaqbalka laacibkan, Man United ayaana kamid ah kooxaha ugu hunguriga weyn hanashada xiddiga ku guuleystay koobka adduunka.
Keow wuxuu u arkaa mid aan muhiimad lahayn in laacibka lagu sii seeta-dheereeyo joogitaanka kooxda guul-darrada la kici la’ ee Arsenal oo 2-1 ku lumisay dhiggeeda Watford.
Sanchez ayaa sidoo kale si xor ah kaga tagi kara Arsenal sanadka soo aadan ee 2018-ka.