Home / Habka-Nolosha / Keylor Navas: ‘Haka walwalin Cristiano Ronaldo’

Keylor Navas: ‘Haka walwalin Cristiano Ronaldo’

Muqdisho – Goolhayaha kooxda Real Madrid Keylor Navas ayaa shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo fiican yahay, in kasta oo xiddiga reer Portugal uu ku guul-dareystay inuu shabaqa soo taabto xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Ronaldo ayaa dhaliyay afar gool labo kulan oo Champions League xilli ciyaareedkan, laakiin weli uma diiwan gashan wax gool ah seddex kulan oo uu u saftay Real Madrid, kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Espanyol habeenkii Axadda ayaana ugu danbeeyay markaas oo xiddiga Burtiqiisku ku fashilmay in uu gaaro shabaqa.

Navas, ayaa ku adkeysana in aysan jirin sabab looga walwalo wax ku saabsan Ronaldo wuxuuna aaminsan yahay in ay imaan doona goolasha CR7 ee horyaalka Spain sanadkan sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Ronaldo wuu fiican yahay, wuxuuna u ciyaaray si wanaagsan,” Navas ayaa u sheegay El Transistor. “Wuxuu caawiye ka ahaa goolkIi koobaad ee Isco  si joogto ah ayuu ciyaaryahanada kubadda halkooda ku siinayey, sidaas oo kale difaacasho adag ayuu sameynayey, sidaas daraadeed ma jirto baahi loo qabo in la falan qeeyo isaga,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Real Madrid ayaa hadda fadhisa kaalinta shanaad ee kala sareynta La Liga – todobo dhibcood ayeyna ka hooseeyaan hogaamiyaasha Barcelona

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan