Himilo FM –Dalka Ciraaq ayaa si weyn loo boggaadiyay da’yar sameeyay ficil wanaagsan kaddib markii uu lacag badan oo uu helay u celiyay qoyskii lahaa.
Sida laga soo xigtay qoraallo la dhigay baraha bulshada, qoys reer Ciraaq ah oo ka tagay magaalada Rania islamarkaana ku socday Erbil ayaa waxaa ka lumay lacag dhan 60 kun oo doolar oo ay ku soo iibsan rabeen guri.
Nasiib wanaag, taleefan ayaa ku jiray boorsada lacagta taasi oo suura galisay in qoyska wacaan iyadoo uu ka jawaabay wiilka dhallinyarada ah ee Khaalid Cali.
Wadahadal kaddib, waxay isla garteen halka ay isugu imaanayaan si uu da’yarka reer Ciraaq oo ah qof ka soo barakacay gurigiisa uu u wareejiyo lacagta.
Khaalid ayaa ku wareejiyay qoyska lacagta iyo dahabkii la socday isaga oo aan ka qaadan wax madax furasho ah sida warbaahinta dalkaasi xaqiijisay.
“ Markii aan wareejinayay ammaanada, waxay ii soo bandhigeen abaal-marin lacageed, waan diiday,” ayuu yiri Khaalid.
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu ammaanay tallaabada uu qaaday da’yarka iyadoo lagu tilmaamay “Mid sharfan.”