Home / Habka-Nolosha / Khedira oo aan safan doonin finalaha Copa Italia

Khedira oo aan safan doonin finalaha Copa Italia

Muqdisho – Sami Khedira ayaa lagu wadaa inuu dhaawac soo gaaray dartiis u lumiyo kulanka finalka Coppa Italia, sida uu xaqiijiyay macalinka Juventus, Massimiliano Allegri.

Laacibka ayaa lugtii labaad ee tartanka Champion League oo ay la lahaayeen Monaco uu soo gaaray dhaawac. Khedira ayaa intaas kadib kusii adag in dhaawacu uusan adkeyn – waxaana la rajeeyey inuu u diyaar-garoobi doono finalka Copa Italia May 17 naadiga Lazio.

Allegri ayaa si kastaba, sheegay in Khedira uu qeyb ka qaadan doono kulankaas. Balse uusan safan doonin.

“In lagu arko Khedira kulanka Copa Italia ma ahan suura-gal,” ayuu yiri. “Waxaan qiimeyneynaa sidii uu kaga mid noqon lahaa laacibiinta safan doona finalka Champion League.”

Khedira ayaa kaalin muhiim ah ku lahaa naadiga Juventus oo haddii ay hal dhibic ka hesho kulanka ay laleedahay dhigeeda Rome ay ku qaadi doonto horyaalka Talyaaniga.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan