Himilo FM –Seynisyahano katirsan jaamacadda Harvard ayaa shaaciyay in maadooyinka qaar ee ku jira rootiga ka qeyb qaadan karaan xannuuno badan oo dadka ku dhaca.
Baaritaanka ayaa muujiyay in maadada “Probiotics” ee lagu daro rootiga inay culeysyo caafimaad ku keeni karto qofka iyadoo sababi karta buurnaanta darran iyo cudurka macaanka.
Natiijadda ayaa ku timid kaddib markii la sameeyay baaritaano badan iyadoo la tijaabiyay saameynta maadada “Probiotics” ku leedahay jiirka.
Waxaa u soo baxday khubarada in maadada ku reebtay jiirka saameyn caafimaad oo aan wanaagsaneyn iyadoo kor u qaaday heerka sokorta jirka.
Daraasad kale oo ay ka qeyb galeen 14 qofood ayaa tilmaamtay in maadada Probiotics ee ku jirta rootiga leedahay saameyn caafimaad oo aan la mahdin.
Ugu danbeyn, khubarada ayaa ku talinaya in laga baaqsado maadada lagu daro rootiga si loo iliaaliyo caafimaadka.