Home / Macluumaad / Khubaro reer Australia ah oo ku fashilmay inay qoorta yaxaas ka soo saaraan taayar mooto

Khubaro reer Australia ah oo ku fashilmay inay qoorta yaxaas ka soo saaraan taayar mooto

Himilo – Mas’uul katirsan maamulka Indonesia ayaa sheegay in khubaro reer Australia ah ku guuldareysteen inay qoorta yaxaas ka soo saaraan taayar mooto oo ku dhegan sannado badan.

Renault Genting oo madax u ah kooxda qaabilsan badbaadinta yaxaaska ayaa xaqiijiyay in khubarada ku fashilmeen inay qoorta yaxaaska ka soo saaraan taayarka laakiin waxa uu xusay inay ballan qaadeen inay dib u soo laabanayaan oo ay la imaanayaan xeelad kale.

Maamulka gobal ku yaalla dalka Indonesia ayaa goor sii horreysay u ballan qaaday abaal-marin qof kasta oo leh geesinimo ku-filan oo uu qoorta yaxaas kaga soo saarayo taayar mooto.

Sida laga soo xigtay wakaalada Indonesia, yaxaaska oo dhiririkiisu yahay 4 Mitir ayaa la arkay isaga oo taayar uu qoorta kaga duuban yahay markii ugu horreysay sannadkii 2016-ka.

Yaxaaska ayaa la soo warinayaa in uu ka badbaaday dhulgariir iyo Tsunami ku dhuftay gobalka Central Sulawesi sannadkii 2018-ka.

Wakaalada Indonesia ayaa shaacisay inay jiri doonto abaal-marin la siinayo qof kasta oo badbaadiya yaxaaska quusta ku dhaw balse ma caddeyn nuuca abaal-marinta.

Waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore dadaallo la sameeyay si lo badbaadiyo yaxaaska ay fashil ku soo dhammaadeen.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan