Khubaro: Soonka ayaa kahortag u ah wadno xannuunka

Himilo – Baaritaan lagu daabacay majaladda MedicalXpress ayaa tilmaamay saameynta soonka joogtada ah uu ku reebo caafimaadka wadnaha iyo da’da qofka.

Hay’adda caafimaadka wadnaha Mareykanka ayaa sheegtay in soonka joogtada ah uu yareeyo khatarta cudurrada wadnaha isaga oo dheereeya da’da qofka.

Baaritaanka ayaa waxaa ka qeyb galay ku dhawad 2000 qofood. 389 qofood ayaa lagu tijaabiyay soonka joogtada ah muddo afar sanno iyo bar oo xiriir ah.

Khubarada ayaa la socday xaaladda ka qeyb galayaasha iyaga oo oggaaday in dhimashada kooxdan hoos u dhacday 40% marka loo fiiriyo kooxda kale ee aan afka xeran.

Tirakoobyo caafimaad oo la xiriira wadnaha ayaa muujiyay in dadka sida joogtada ah u sooma in aysan u bandhigneyn khatarta cudurka wadnaha 71%.

Seynisyahanada qaar ayaa xusay inay kedis ku noqotay natiijadda daraasadda. Waxay intaa raaciyeen in soonka maalin kamid ah bisha inay ka dhigeyso jirka qofka mid firfircoon oo ku jira xaalad deggan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan