Home / Macluumaad / Khubaro Sucuudiyan iyo Ukrainian isugu jira oo sameeyey diyaarad dagaal

Khubaro Sucuudiyan iyo Ukrainian isugu jira oo sameeyey diyaarad dagaal

Kiev – Sawirkii ugu horreeyey ee diyaarad dagaal oo ay wadajir u wada sameeyeen dalalka Sucuudiga iyo Ukraine ayaa lagu soo ban-dhigay gudaha warshad sameysa oo ku taalla dalkaas.

Shirkadda Antanov, oo ah mid dowladdu leedahay, ahna shirkadda kaliya ee sameysa baabuurta iyo diyuuradaha ayaa soo ban-dhigtay sawiradda diyaaradan cusub, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dalkaas ee UNIAN.

Diyaaraddan cusub ee sida casri ah loo qalabeeyey ayaa awoodaysa maareynta habka difaaca hawada sare iyo xakameynta diyaaradaha kale ee lamidka ah, marka loo eego injineerrada farsameeyey.

Qalabyada lagu suura-geliyay isku xirka iyo dhameys-tirka diyaaraddan ayaan laga soo amaahan dalka Ruushka oo ay deris yihiin Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko iyo xog-hayaha difaaca ee dalkaas Oleksandr Turchynov ayaa goob-joog ka ahaa xafladda lagu soo ban-dhigay muuqaallada diyaaraddan.

Sucuudiga ayaa sameynaya sara u kac dhanka tayaynta dhinaca sancada baabuurta, diyaaradaha iyo dhamaan qalabyada la xiriira hubka iyo wax-soo saarkooda.

Waxaana aragtida fog ee Sucuudiga kamid ah inay, marka lagaaro sanadka 2025, awoodaan iskaga filnaanshiyaha sancada dhamaan gaadiidyada dagaalka iyo diyaaradahooda. Tanina waa tallaabooyin kamid ah hiigsigaas fog ee ay tiigsanayaan.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan