Muqdisho – Daafaca Tottenham Hotspur ee Kieran Trippier ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda isaga oo saxiixay heshiis waqti dheer ah.
26 jirkaan ayaa ol’olaha xagaagii dhamaaday ahaa dooqa koobaad ee garabka midig – isaga oo ka faa’iidaystay dhaawac soo gaaray Kyle Walker. Hayeeshe, xagaaga soo aadan wax uu heli doonaa fursad badan maadaama uu kooxda ka tagay Kyle Walker.
Trippier ayaa Spurs uga soo biiray kooxda Burnley sanadkii 2015 isaga oo ku fadhiya £3.5 Million oo Bound.
41 kulan ayuu sameeyay intii lagu guda jiray labadii sano ee uu joogay White Hart Lane, kooxda Tottenham ayaana ku dhamaysatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.
Spurs ayaa hadda ka saxiixatay laacibkan heerka caalami ee England heshiis shan sano ah waxayna doonaysaa in ay raadiso ciyaaryahan kale oo isna ku wanaagsan garabka midig ee daafaca si uu u sii xoogaysto tartanka.
Xerada wax soo saarka ee Manchester City ayuu ka soo qalin jabiyay Trippier sanadkii 2012 isaga oo waayay fursad uu kaga mid noqdo kooxda waaweyn ee ku ciyaarta Etihad Stadium.
Waxaa warbixintan soo diyaariyay: Abdiziz Adan Urur.