Kim Jong Un oo ku baaqay in la xoojiyo tababarrada dagaalka iyo istaraatiijiyadda madaafiicda

Himilo – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ku baaqay in la sii horumariyo xeeladaha madaafiicda ciidamada qalabka sida si ay ula jaanqaadaan xaaladda adag ee isbeddelaysa ee goobaha dagaalka casriga ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda Khamiistii.

Kim ayaa kormeeray tartan u dhexeeyay cutubyo madaafiic ah oo katirsan Ciidanka Dadka Kuuriyada Waqooyi (KPA). Wuxuu ku adkaystay in la xoojiyo awoodda dagaalka iyada oo loo marayo tababarro xoogan oo dhab ah, si ay ciidamadu “ugu diyaargaroobaan dagaal kasta waqti kasta, una burburiyaan cadowga meel kasta oo lagu wajaho.”

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in tababarro dhab ah oo joogto ah ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee difaaca, wuxuuna ku tilmaamay in difaaca ugu xooggan uu yahay “aragti cad oo laga qabo cadowga weyn.”

Kim ayaa horey bishii Febraayo booqasho uu ku tagay Wasaaradda Difaaca ku sheegay in sanadka 2025 uu noqon doono sanad tababar ciidan, iyadoo ay sare u kaceen xiisadaha ka taagan gacanka Kuuriya. Tan iyo markaas, wuxuu kormeeray howlo milatari oo kala duwan, isagoo xoogga saaraya horumarinta awoodda dagaal casri ah.

Tartan kale oo la mid ah kan hadda la qabtay ayuu Kim goobjoog ka ahaa dhammaadkii bishii Maajo.

error: Copy lama Ogola Fadlan