Home / Habka-Nolosha / Klaassen: “Halkanna waan ku sameyn karaa dhalinta goolal badan.”

Klaassen: “Halkanna waan ku sameyn karaa dhalinta goolal badan.”

Muqdisho – Saxiixa cusub ee Everton, Davy Klaassen ayaa filaya inuu joogtayn karo gool-dhalinta horyaalka cusub oo uu kamid noqday ee PL.

Klaassen ayaa 14 gool dhaliyay, wuxuuna caawin ka sameeyey 33 gool gudaha 33 kulan oo uu ka dheelay Eredivisie ee kooxda Ajax xagaagii hore.

24-jirkan ayaa Goodison Park ku yimid adduun dhan  €27 milyan, wuxuuna ku han weyn yahay joogtaynta gool-dhalintiisa si saameyntiisu usii kororto.

“Waxaan jeclahay inaan shabaqa soo taabto oo aan had iyo jeer dardar-geliyo bandhigayga,” Klaassen ayaa u sheegay evertontv. 

“Waxaan jeclahay dhalinta goolal iyo inaan ku guulaysto.”

“Ma ahan tan iigu muhiimsan kubadda cagta, hayeeshe gooldhalintu waa u muhiim kubadda cagta, waxaan ku dadaali doona sida fiican, goolashu way imaan doonaan.”

Everton ayaa xagaagii hore booska 7aad ku idlaysatay kala horraynta horyaalka, hayeeshe, Klaassen ayaa intaas kadheer naawilaya.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan