Himilo FM –Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu la soo wareego xiddiga garabka uga ciyaara Ajax ee David Neres.
22 jirkan ayaa ka mid ah dhowr ciyaaryahan oo si fiican ugu ciyaaraya Holland xilli ciyaareedkan, iyadoo weeraryahanku uu 10 gool dhaliyey 10 kalana ka caawiyay 40 kulan oo uu ka ciyaaray Eredivisie iyo Champions League.
Si kastaba ha ahaatee, taasi waxay keeneysaa inay xiiso u soo bandhigaan xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil, Manchester United, Tottenham Hotspur iyo Arsenal ayaa lagu wadaa inay isha ku hayaan xaaladda xiddigan.
Sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, Klopp oo tababare u ah Liverpool ayaa ku riixi u dhaqaaqidda Neres, madaama uu doonayo in uu tartan galo xilli ciyaareedka soo aadan.
Neres ayaa heysta keliya seddex sanno oo uu ka harsan yahay qandaraaskiisa, laakiin Ajax ayaa diyaar u ah inay ka fikirto dalabyada, iyaga oo ku iibinaya £ 40m.