Home / Cayaaro / Klopp oo u sheegay Liverpool in wali tartanka horyaalka uusan dhammaan

Klopp oo u sheegay Liverpool in wali tartanka horyaalka uusan dhammaan

Himilo – Tababare Jurgen Klopp ayaa uga digay kooxda Liverpool inay wali hortaallo shaqo dheer si ay ugu guuleystaan horyaalka Ingiriiska.

Iyada oo la filayo in uu dib u billowdo horyaalka 17-ka June kaddib seddex billood oo loo hakiyay sabab la xiriirta xannuunka safmarka ah ee Karoona, kooxda Klopp oo doonaysa inay ku guuleysato horyaalkoodii ugu horreeyay muddo 30 sanno ah ayaa 25 dhibcood ka sarreysa Manchester United.

Liverpool ayaa xilli hore xaqiijin karta horyaalka haddii Man City ku guuldareysato inay ka adkaato Arsenal kulanka 17-ka June.

“Way wanaagsan tahay in aan ka fekerno laakiin wali ma noqon champion,” Klopp ayaa sidaasi u sheegay BBC Sport.

Waxa uu intaa raaciyay “Wali kuma aanan guuleysan horyaalka, waa in aan cayaarnaa kulamada oo aan guuleysanaa.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan