Home / Cayaaro / Klopp oo u sheegay madaxda Liverpool in uu doonayo Timo Werner

Klopp oo u sheegay madaxda Liverpool in uu doonayo Timo Werner

Himilo – Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa u sheegay madaxda Liverpool in uu doonayo cayaaryahanka Timo Werner xagaagan.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay wali xiiseynayso xaqiijinta saxiixa weeraryahanka Timo Werner inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Inkasta oo cayaaryahanka reer Jarmal si weyn loola xiririiyay garoonka Anfield, haddana xannuunka safmarka ee Karoona ayaa wax badan ka beddalay suuqa kala iibisiga.

Si kasta, The Independent ayaa soo warinaya in Liverpool ka go’an tahay saxiixa weeraryahanka kahor bilaabashada ol-olaha soo socda.

Chelsea iyo Bayern ayaa sidoo kale lalal xiriiriyay cayaaryahanka 24 jirka ah oo dhawaan sheegay in uu jecel yahay in uu ka tago Bundesliga.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan