Home / Habka-Nolosha / Koeman: “Real Madrid wali magaarin heerka waqtigii Barcelona ee Pep Guardiola.”

Koeman: “Real Madrid wali magaarin heerka waqtigii Barcelona ee Pep Guardiola.”

Muqdisho – Ronald Koeman ayaa dareensan Real Madrid inay u qalantay ku guuleysiga UCL, walise wuxuu ku hal-adag yahay in kooxdu ay u dhiman tahay howl adag kahor inta aysan gaarin heerkii macalin Pep Guardiola uu gaarsiiyay  Barcelona.

Kooxda ku dheesha gegida Santiago Bernabeu ayaa saddex jeer ku guuleysatay koobka European Cup-ka afartii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay oo midkii ay juventus kaga adkaadeen 4-1 uu ugu danbeeyey.

Dadka qaar ayaa soo jeedinaya in xulka laacibiinta hadda u safta Real Madrid ay yihiin kuwii ugu fiicna abid.

Hadana Koeman ayaa rumeysan in Barcelona ay heer kale taagneyd markii macalin Guardiola uu hoggaamiyay intii u dhaxaysay sanadihii 2008-2012.

“Real Madrid waa awoodda Champion League ee maanta. Waxay aheyd kooxdii ugu fiicneyd xagaaga tartanka. Si fiican ayayna ula dheeleen Juventus,” ayuu yiri Koeman, macalinka kooxda Everton.

“Laakiin ma u maleynayo in lala barbar-dhigi karo Barcelona xilli Pep si walbaba.”

“Waxay aheyd koox fariid ah waqtigaas.”

Barcelona ayaa laba jeer ku guuleystay tartanka UCL – iyada oo sanadihii 2008-2009 iyo 2010-2011 finaalaha ku garaacday kooxda Manchester United.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan