Home / Habka-Nolosha / Kompany: “Dadku way jeclaan lahaayeen inay arkaan fashilka Guardiola”

Kompany: “Dadku way jeclaan lahaayeen inay arkaan fashilka Guardiola”

Muqdisho – Kabtanka kooxda Manchester City, Vincent Kompany ayaa rumeysan in dadku ku raaxaysanayaan inay arkaan fashilka macalin Pep Guardiola, hayeeshe wuxuu sheegay inuusan abid isaga oo kale la shaqeynin.

Guardiola ayaa xagaagiisii ugu horreeyey la dhameysanaya City xilli aysan naawilayn inay ku nastaan hanashada koobka England PL, hayeeshe Kompany ayaa ku niyad-weyn in Guardiola uu kusoo bixi doono sida laga malaynayo – filashaduna fiican tahay.

“Shaxda iyo isku dubba-ridka macalin Pep waa wax aan horay loo arag, waana taas sababta dadku ay u fishaan inuu fashilo,” ayuu yiri. “Waa iska caadi in qof marar guuleystay uu mar kale haleeli waayo siduu jeclaa, taasi waxay abuurtaa warar iyo maadaysi.”

City ayaa ku fadhisa booska afaraad ee kala horreynta horyaalka PL waxaana u harsan afar kulan oo ay ciyaari doonto.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan