Himilo – Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa si rasmi ah u galay wareegga bug-baxa (Knockout Stage), kadib markii la soo gabagabeeyay wareegga guruubyada. 32 xul ayaa u soo gudbay wareegga 32-ka, halka 16 xul ay tartanka ka hareen.
Xulalka laga reebay tartanka ayaa kala ah: Haiti, Türkiye, Tunisia, Jordan, Panama, Qatar, Curacao, Czechia, Iraq, Uruguay, Sacuudiga, New Zealand, Scotland, Uzbekistan, Kuuriyada Koonfureed iyo Iiraan.
32-da xul ee soo gudbay ayaa ku tartami doona wareegga 32aad si ay ugu soo baxaan wareegga xita 16-ka.
Wareegga bug-baxa ayaa ku furmi doona 16 kulan, waxaana ka qeyb geli doona xulalka waaweyn ee ay ka mid yihiin Argentina, Brazil, France, England, Germany, Spain iyo Portugal, iyo sidoo kale xulal si lama filaan ah u soo baxay sida Bosnia and Herzegovina, Cape Verde iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo).