Home / Arrimaha Bulshada / Koonfurta Suudaan oo mamnuucaysa xarumaha lagu caweeyo

Koonfurta Suudaan oo mamnuucaysa xarumaha lagu caweeyo

Himilo FM –Qoraal laga soo saaray madaxtooyada koonfurta Suudaan ayaa lagu mamnuucay goobaha lagu caweeyo sababo lala xiriiriyay dhaqamo aan anshax laheyn oo halkaasi ka dhaca.

Madaxtooyada xukuumadda koonfurta Suudaan ayaa xustay in aan loo dulqaadan karin dhaqamada goobaha lagu caweeyo ee magaalada Juba.

Duqa magaalada Juba  Augustino Jadalla Wani ayaa muuqaal la soo duubay ku sheegay in xarumaha lagu caweeyo la xeri doono islamarkaana aan dadka loo oggoleyn inay tagaan.

“Waan mamnuucaynaa dhammaan xarumaha caweyska, waayo waxay khatar ku yihiin mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Augustino

Waxa uu intaa raaciyay “ Dhab ayay naga tahay, waxaan dooneynaa inaysan shaqeyn xarumaha lagu caweeyo.”

Dhinaca kale, labadii qof ee doonaya inay deggaan hoteel, waxaa loo baahanayaa oo laga doonayaa warqad guur.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan