Home / Cayaaro / Koox London ka dhisan oo xiriir la sameysay Jose Mourinho

Koox London ka dhisan oo xiriir la sameysay Jose Mourinho

Himilo- London weli waxay fursad kale u noqon kartaa Jose Mourinho, waana koox kale oo ka dhisan caasimadda England, isaga oo horey u soo maamulay Chelsea.

Tottenham waxay u baahan tahay in la xaliyo dhibaatada heysata iyada oo hadda lasoo werinayo in xiriir xummo ay ka jirto qolka labiska kooxda, Mauricio Pochettino mustaqbalkiisa lama hubo halka uu noqon karo.

Mourinho waa shaqo la’aan tan iyo markii laga ceyriyay Manchester United bishii December ee sannadkii tegay.

Nuxurka sheekada;

Tottenham waxay xiriir la sameysay Jose Mourinho si ay beddel ugu dhigto Mauricio Pochettino,sida ay werisay SoccerLink.

Pochettino ayaa ku fashilmay in kooxda London ka dhisan uu heer sarre gaarsiiyo isaga billow xun galay fasalkan, xasuusta qofna aanu ilaabi karin waa natiijadii 7-2 ee Champions League kana soo gaartay Bayern Munich.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan