Home / Habka-Nolosha / Kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Labo Difaac oo Kawada Tirsan Manchester United.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Labo Difaac oo Kawada Tirsan Manchester United.

Daily mirror: Sida ay warinayso jariiradda caanka ah ee Daily mirror kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa wada doonaya saxiixa ciyaartooyda Chris Smalling iyo Luke Shaw kuwaas oo ka mid ah ciyaartooyda laf dhabarta ah ee Man United.

Jose Mourinho ayaa ku eedeyay labaddan ciyaaryahan in ay diideen ka qayb qaadashada kulankii ay Man United 3-1 kaga badisay Swansea City Todobaadkii hore.

Difaacyada England ee Chris Smalling iyo Luke Shaw ayaa ka tabanayay dhaawacyo yaryar ka hor kulankii Swansea City, Jose ayaana waydiiyay in ay ciyaaraan kulankaan lkn sida lafahan sanyahay labaduba way ka cudur daarteen kulankaas.

Kooxda Arsenal ayaa mudo dheer xiisaynaysay Chris Smalling waxaana aad ula dhacsan qaab ciyaaredeka laacibkan tababaraha Gunners ee Arsine Wenger tan iyo markii uu United uu ku soo biiray 2010.

Inkastoo Arsenal ay lasoo wearegtay xagaaygii hore difaaca heerka caalami ee reer france Shkodran Mustafi islmarkaana uu Valencia ka soo qaatay Hadana Winger ayaan ka maarmin Smalling.

Tababaraha kooxada LIVEPOOL ee Jorgen Klopp ayaa isna xiisaynaya in uu difaaciisa bidix ku xoojiyo laacibkan da’da yare ee Luke Shaw hadii ay United ogolaato in ay iska iibiso ciyaaryahankaan lugu qiimeeyo 29 malyan.

W/Q: Abdi Aziz Adam Mohamed.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan