Home / Habka-Nolosha / Kooxaha Heegan iyo Madbacada oo bar baro ku kala baxay.

Kooxaha Heegan iyo Madbacada oo bar baro ku kala baxay.

Ciyaar aad u xiiso badnayd ayaa maanta waxaa isku qaabilay naadiyada Madbacada iyo Heegan,
Ciyaartan oo ahayd isbuuc dhamaadka wareega 4aad iyo kulankii 14aad ee wadarta guud ayaa ahayd mid aad u adag oo xiiso gaar ahna lahayd.
Waxaa uu ahaa kulan daawashadiisu aad u xiiso badneyd kubad qurxoonida ay soo bandhigeen.
Balse taageerayaashii labada naadi ee u soo daawashada tagay ayaan arag wax gool ah oo kulankaan laga dhaliyay walow ay daawdeen kubad loo riyaaqay.
Kooxda madbacda ayaa heshay dhowr fursadood waxaa ka qasaariyay kuwii ugu halista badnaa laacibka No.9aad ee Cabdi Najiib Nuur Cali (Benteke).
Dhanka heegan ayaa qudheeda la timid kubado halis ah kubad gool loo fishay oo dhaaftay goolhayaha Madbacada aya waxaa badbaadiyay mid ka mida daafacyada kooxda waxaa kubad xoogan ku bartilmaameedsaday Samson.
Kubado badan oo ay lumiyeen 2da kooxba waxaan u suuro galin in ay gool dhaliyaan taas oo ugu danbayn keentay in bar baro 0-0 ah ku kala tagaan.
Madbacada oo sanadaan horyaalka heerka koobaad ku cusub ayaa kulamadeedii ugu horeeyay qaabishay naadiyo waawayn waxa ay horay min hal dhibic uga soo qaadatay kooxaha Jeenyo iyo horseed oo ay bar baro la gashay waana kulankii 3aad oo ay bar baro galaan taas oo ka dhigan in aysan wali wax guul ah horyaalka ka qaadan dhanka heegan oo la xasuusto in ay 4 ku soo dharbaaxday dhigeeda Elman ayaa la kulantay bar barihii 2aad ee horyaalka.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan