Home / Habka-Nolosha / Kooxda Banaadir SC oo guul weyn ka gaartay naadiga Waxool

Kooxda Banaadir SC oo guul weyn ka gaartay naadiga Waxool

Waxa galabnimadii maanta uu kulan adag dhex maray kooxaha Waxool iyo Banaadir SC oo labaduba kulan kii ka horeyay wax guul ah soo gaarin,
Labada naadi ayaa soo bandhigay kubado lagu raaxeysto oo ay la cajabeen taagerayashii ku sugnaa Banaadir stadioum. Qeybtii hore ee ciyaarta kooxda BSC ayaa garoonka la soo gashay dardar xoogan iyaga oo abuuray fursado badan oo ugu danbeyntii u saamaxday in ay sedex gool shabaqa gaarsiiyaan.
Goolka 1aad ee kooxda Banaadir Sc waxaa dhaliyey laacibka khadka dhexe ee naadiga xidiga lagu magacaabo Cabdishakuur axmed Maxamedd isaga oo kulanka ka dhigay 1-0, daqiiqado ka dib kooxda BSC ayaa heshay goolka 2aad ee ciyaarta ka dib markii uu shabaqa gaaray dhaliyaha sare ee kooxda Mercel Samsom Oyugi wuxuuna mar kale naadiga ka caawiyey in ay 2-0 ku hogaamiyaan, isla qeybtii hore ee ciyaarta kooxda banaadir Sc ayaa heshay goolkii 3aad waxaana markaa isna shabaqada Waxool tiigsaday Qeys Cabdulle Macalin wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0. Gabagabadii kulanka inta aan la aadin nasiinada waxaa Waxool gool u soo celiyey daafaca naadiga Axmed C/Qaadir Abuukar ‘’Lampard’’ isaga oo kulanka ka dhigay 3-1, qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 oo ay ku horkacayan BSC.
Markii dib la isugu soo laabtay kooxda BSC waxa ay yareysay weerarkii xooganaa oo qeybta 1aad ku qaadayeen waxool, halka Waxool ay iyaguna halisyo badan ay ku hayeen BSC, naadiga Waxool kaarka cas ka qaatay dhaliyaha madiyga kooxda Axmed C/Qaadir Abuukar ‘’Lampard’’ ka dib markii uu qalad ku galay C/qaadir Aadan Eenow “Bentteke”.
Gabagabadii ciyaarta 4 daqiiqo ee lagu daray kooxda Banaadir ayaa la timid goolka afaraad waxaana markaan shabaqa gaaray C/qaadir Aadan Eenow “Bentteke” isaga oo kulanka ka dhigay 4-1.
Guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku raacdey naadiga BSC, guushan waxa ay ka saaciday kaalinta afaraad si goolal ah kaga sara maraan Horseed oo maalinta berri la ciyaari doonta Batroolka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan