Kooxda kubadda cagta Barcelona ayuu war aan lagu farxin u soo yeeray shalay oo la sameeyay isku aadka wareega siddeed dhamaadka tartanka Champions League.
Barcelona ayaa ku beegantay kooxda ay La Liga ku loolamayaan xagaagan Atletico Madrid.
Agaasimaha Barcelona Javier Bordaz oo la hadlay Uefa.com ayaa sheegay in kooxda Atletico Madrid ay tahay kooxda ugu daafacashada wanaagsan kooxaha isugu soo haray UCL, isagoo xusay inaysan jecleysaneyn isku aadkan.
“Ma u maleynayo koox iyaga ka daran inay jirto. waa kooxda ugu daafacashada wacan. wareega siddeed dhamaadka tartanka Yurub ayayna ku hortaagan tahay kooxda sidaa ah.” Bordaz ayaa intaa yiri.
Barcelona ayaa waqti fiican ku jirta iyadoo aan dhankeeda dhulka la dhigin 38dii kulan oo u danbeysay, waana koox heersare taagan, inkastoo wax kasta ay isbedeli karaan marka Champions League ay la dheesho Atletico Madrid.