Home / Habka-Nolosha / Kooxda Barcelona oo doonaysa in ay racfaan ka qaadato kaarkii jaalaha ahaa ee Lionel messi La Siiyay Ciyaartii Sevilla Ee Todobaadkaan.

Kooxda Barcelona oo doonaysa in ay racfaan ka qaadato kaarkii jaalaha ahaa ee Lionel messi La Siiyay Ciyaartii Sevilla Ee Todobaadkaan.

Lionel messi ayaa qaatay kaarka jaalaha ah kadib markii uu isku dayay in uu waqtiga dayaco ciyaartii savilia, balse xiddiga reer Argentin ayaa ku marmarsiyooday  inuu doonayay in uu dib u gashdo kab ka siibatay markii uu qalad ku galay xiddiga dhexe ee Sevilla Steven N’Zonzi.

messi-11

http://radiohimilo.so

Kooxda Barcelona ayaana ku dhawaaqday in ay racfaan ka qaadanayso  kaarka jaalaha ah ee lasiiyay laacibkooda lugta bidix ku ciyaara ee Lionel messi kulankii ay guusha ka gaareen Sevilla ciyaar dhacday Axaddii oo ka tirsaneyd kulamada horyaalka La Liga.

Kooxda waxey soo bandhigeysaa racfaan ka dhan ah kaarkii jaalaha ee la siiyay xidigooda ciyaartii axadii dhacday ee Sevilla taas oo lagu ciyaaray garoonka Sevilla ee Ramón Sánchez Pizjuán Stadium, markaas oo ay Bulgarana 2-1 ku guuleysatay, waan uga mahad celineynaa goolka xiddiga ree Argentina ee leo, ayey u qorneyd warbixinta ka soo baxday Barcelona.

Tababaraha Bulgarana ee Luis Enrique ayaa isna ku dooday in kabaha ciyaariyahanka  ay xarkuhu go’een isaga oo kala jeeda kabaha messi,  taas ayaana sababtay in uu ku gashan waayo si dhaqso ah ayuu yiri Luis Enrique.

Luis Suarez ayaa isna ganaax ku seegi doona ciyaarta Malaga maadama uu qaatay ciyaartii Sevilla kaarkiisii jaalaha ee Shanaad

Neymar ayaa sidoo kale kaarka jaalaha la siiyay kaas oo hal jaale uu ka xigo  inuu seego kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

W/Q:- Abdi Aziz Adan Mohamed

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan