Ururka Midowga Kubaddda Cagta Yurub ee UEFA ayaa waxa uu lacag dhan £10,000 ku ganaaxay Naadiga Celtic ka dib markii taageerayaashooda ay ruxeen calanka Falastiin intii ay socotay ciyaartooda Champions League oo ay la yeesheen naadiga Israa’iil ee .Hapoel Beer-Sheva.
Qeyb ka mid taageerayaasha ayaa ka hor ciyaarta inta aysan bilaaban lulay calanka falastiin, Ururka UEFA ayaa canbaareeyay falkaas kuna tilmaamay sharci darro ay ku kaceen taageerayaasha sidaa daraadeed waxaa lagu soo rogay kooxda Ganaax lacageed.
Waa markii sagaalaad ee sanadahii la soo dhaafay Celtic ciqaab ay saaraan maamulka kubadda Cagta Yurub Kooxdaas.
Naadiga Celtic ayaa waxa ay bar baro la gashay kooxda Manchester City ciyaartii dhex martay 28 bishan September 2016 ciyaartaas oo ku dhamaatay 3-3.