Home / Habka-Nolosha / Kooxda Chelsea Oo Ku Dur-Durisay Naadiga Leicester City.

Kooxda Chelsea Oo Ku Dur-Durisay Naadiga Leicester City.

Waxaa goor dhaweyd soo gaba gabowday ciyaar xiiso badneyn oo dhex martay kooxaha Chelsea iyo Leicister City, guushu waxa ay raacday naadiga Chelsea oo ku garaacday dhigeeda leicister City 3-o.

kk

http://radiohimilo.so

Goolka koobaad waxaa kooxda Chelsea u dhaliyey Diego Costa daqiiqadii 7aad, ka labaad waxaa shabaqa ku hubsaday xiddiga Eden Hazard daqiiqadii 33aad, halka ka seddexaadna ku gaba gabeeyay Victor Moses daqiiqadii 88aad.

Kooxda Leicister ayaa waxa ay soo bandhigtay ciyaar taageerayaal badan ay u sacaba tumeen hase ahaatee waxaa u suurta gali weyday iney wax gool ah ka dhaliyaan Chelsea, waxa ayna iska khasaariyeen fursado ay goolal ku dhalin kareen.

Naadiga Chelsea ciyaarhayanka Cesar Azpilicueta ayaa waxa uu ka qaatay calaamadda Jaalaha qadiiqadii 51 aad sidoo kale kooxda Leicister City daqiiqadii 27 waxaa isna calaamadda Hurdiga laga siiyay xiddiga Robert Huth.

Shaxda labada naadi ayaa waxa uu ahayd sidan:-

radiohimilo

http://radiohimilo.so

Labadan koox iyo kooxo kale oo ay ka mid yihiin AFC Bournemouth, Hull City,Arsenal,  Swansea City,
Manchester City, Everton,Stoke City, Sunderland,West Bromwich Albion, Tottenham Hotspur,Crystal,Palace iyo West Ham United ayaa u baratamaya hogaanka horyaalka Premier League.

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan