Home / Habka-Nolosha / Kooxda Dortmund oo kulan baaqday xalay la ciyaaraysa kooxda Manoco ee France

Kooxda Dortmund oo kulan baaqday xalay la ciyaaraysa kooxda Manoco ee France

Muqdisho – Dhamaan ciyaartooyda kooxda Borussia Dortmund ayuu la soo darsay shoog iyo jiha wareer kadib markii waqti yar kahor  kulankii ay xalay la balansanaayeen kooxda Manoco lala eegtay qarax kaas oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel-ka ay daganaayeen ciyaartoydu.

Difaaca kooxda ee  Marc Bartra  ayaa galay qatar isaga oo loola cararay Isbitaalka.

26 jirkaan  12-ka kulan u cayaaray xulka Spain  ayaa kusoo biiray kooxda ka dhisan Bundesliga isaga oo kaga yimid  Barcelona bishii  June ee sanadkii la soo daafay.

Markii ugu dambeysay oo ay Quarter finalka kasoo muuqato Dortmund waxey aheyd 2013/2014, guuldaro 2-0 ah ayey kala kulmeen xiligaas Real Madrid.

Waxyaabaha ka cusub labada koox.

Marc Bartra oo uu dhaawac ka soo gaaray dhibtii xalay ku dhacday kooxda ayuu qabaa waaxa uuna la maqnaan doonaa dhaawac ka soo gaaray gacanta.

Thomas Tuchel  ayaa ku maqnaan doona dhaawac, laakiin waxaa dib ugu soo laabtay tababarka  Marco Reus.

Mario Goetze, Andre Schurrle iyo Durm, ayaa maqan.

Dhanka As Monaco xidigo badan ayaa ka maqan Bokayoko oo ganaax ku seegi doona ciyaartaan, sidoo kale Sidibe, Boschilia iyo Carrillo ayaa dhaawacyo ku maqan.

Xaqiiqooyinka kulanka.

Kaliya hal koox oo Faransiis ah  ayaa garaacday Dortmund walibana ciiddeeda  ku garaacday tartamada Yurub (D3, W5), waxa uuna ahaa kii Marseille ee December 2011 kaas oo ku dhamaaday (3-2).

Borussia Dortmund ayaa gaartay wareegga quarter-finalka Champions League markii seddexaad ee shantii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Borussia Dortmund ayaa laga badiyay kaliya hal kulan siddeeddii kulan ee Champions League xilli ciyaareedkan (W5 D2), kaasina waxa uu ahaa mid banaanka ay kala soo kulantay Benfica.

Si kastaba ha ahaatee, Dortmund ayaa laga badiyay toddoba kamid ah 10-kii kulan ee ugu dambeysay ee Champions League ee marxaladda  bug-baxda (W3).

Waa markii labaad oo muddo saddex sano ah Monaco ay gaarto  wareegga sideed dhamaadka tartankaan. Si kastaba ha ahaatee, markii ugu danbeysay ee ay ka dhigtay semi-finalka waxa ay aheyd 2003/04, markii ay ugu danbeyn garaacday Porto finalka.

Monaco ayaa laga dhaliyay 13 gool xilli ciyaareedkan Champions League – oo ay ku jiraan sideed looga soo dhaliyay  labadii kulan ee ugu danbeysay banaanka  – waana in ka badan koox kasta oo ka mid ah wareega quarter-finalka.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay toddobo gool toddobadii kulan ee Champions League xilli ciyaareedkan, oo ay ku jirto seddexleey uu ka dhaliyay kulan ka dhanka ahaa Benfica.

Fabinho waxaa uu si  toos ah ugu lug lahaa  seddex kamid ah lixdii gool ee ugu dambeeyay ee Monaco  Champions League ka dhalisay  (1 gool, 2 gool caawin).

Kulanka: Borrusia Dortmund vs As Monaco

Garoonka: Signal Iduna Park

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

Saacadda: 9:45 Habeenimo

Abdi Aziz Adan Urur

Cabdicaziiz149@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan