Home / Habka-Nolosha / Kooxda Elman oo Guul daro ka qaabishay dhigeeda Dekedda.

Kooxda Elman oo Guul daro ka qaabishay dhigeeda Dekedda.

Garoonka Banaadir ayaa maanta Marti geliyay kulanka ugu adag todobaadka saddexaad ee horyaalka kubadda Dalka( Somali Premier League) kaasoo dhex maray labada koox ee sida weyn u xafiiltama Dekedda iyo Elman oo ay kala hogaamiyaan, Yuucali iyo Cabdi Joon oo ka midi ah macallimiinta ugu fiican dalka.
Kulan aad u xiiso badan ayayna galabta isaga horyimaadeen kooxda horyaalka difaacanaysa ee Dekadda iyo naadiga Elman.
Ciyaarta ayaa bilowgii kubada la baastayba waxaa ay xidigaha macalin Yuusuf Cali Nuur (yuu Cali) gaareen shabaqa kooxda Elman. Hal daqiiqo ka yar (37 second) . ayaa laacibka ajnabiga ah ee No.24 aad Raymond Mbugu fursadii ugu horaysay uu gool ka dhaliyay kooxda ka soo horjeeday.
Kulanka ayaana la iska dhalin wax gool kale ah waxa ayna ciyaarta ku idlaatay 1-0 kaas oo ay ku guul gaareen kooxda horyaalkan difaacanaysa ee Dekedda .
Waxa uuna kulankaan ahaa kulankii 11aad ee horyaalka si la midda wareegiisii 3aad ee kooxaha.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan