Muqdisho – Mareegata caanka ah ee Goal.com ayaa si horudhac ah usoo saartay Kooxda ugu fiican horyaalka Ingiriiska toddobaadkan waxaana hoggaaminaya kooxdan laacibkii hore ee kooxda Man Utd ee Chicharito iyo laacibka haatan ee Manchister Mkhitaryan.
JACK BUTLAND | STOKE CITY
Waxaa kooxdan goolhaye looga dhigay laacibka kooxda Stoke City ee Jack Butland, Butland ayaa badbaadiyay 6 kubadood oo goosha ku soctay kulankii ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda Arsenal Sabtidii.
ANTONIO VALENCIA | MAN UTD
Valencia ayaa daboolay boosas 12 mar waxa uuna ahaa xiddigii ugu badnaa ee sidaas sameeyay, kulankii ay Red Devils 4-0 kaga badisay Swansea City.
PHIL JONES | MAN UTD
Jones 10 mar ayuu kubadda saaray kulankii ka dhacay Liberty Stadium, wuxuuna ahaa ciyaaryahanka ugu badan ee Man Utd ah ee sidaa sameeya.
HARRY MAGUIRE | LEICESTER CITY
Laaciban ka yimid kooxda Hull dhawaan ayaa sameeyey shan difaacasho isla markaana dhaliyay goolkii labaad ee kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay naadiga Brighton.
MARCOS ALONSO | CHELSEA
Alonso ayaa labo gool ka dhaliyay kooxda Spurs ciyaartii ka dhacday Wembley, laad xor ah ayuu ku daah-furay goolasha ciyaarta isla isaga ayaana 2-1 kusoo qatimay kulanka.
TOM CLEVERLEY | WATFORD
Laacibkii hore ee Manchester United ayaa dhameys-tiray 92% baasaskiisa kulankii ay ka badiyeen kooxda Bournemouth.
JAMES MILNER | LIVERPOOL
Milner waxa uu sameeyay baasaska ugu badan ee ciyaaryahan Liverpool ah kulankii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Crystal Palace (108).
SADIO MANE | LIVERPOOL
Mane ayaa dhaliyay goolkii guusha ee kulankii Crystal Palace, wuxuuna sameeya afar kubadood oo goosha ku toosan.
HENRIKH MKHITARYAN | MAN UTD
Mkhitaryan ayaa caawiye ka ahaa labo gool kulankii ay 4-0 kaga adkaadeen kooxda Swansea, labadii kulan ee furitaanka ayuuna laacibkan ku lug leeyahay afar gool dhamaantoodna waa caawinaad.
JESE RODRIGUEZ | STOKE CITY
Xiddigan PSG amaahda ka ah ayaa dhaliyay goolkii guusha ee kooxdiisu ay ka gaartay Arsenal.
JAVIER HERNANDEZ | WEST HAM
Chicharito ayaa saxiixay labo gool kulankii ay kooxdiisu qasaarada kala kulantay naadiga Southampton.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.