Home / Habka-Nolosha / Kooxda Everton Oo Doonaysa Labo Cayaartoy Oo Kawada Tirsan Man United.

Kooxda Everton Oo Doonaysa Labo Cayaartoy Oo Kawada Tirsan Man United.

Kooxda ka dhisan magaalada Liverpool ee Everton ayaa la sheegayaa inay wada hadal la bilowday kooxda Manchester United kaas oo ay kaga doonayso xiddiga reer France ee Morgan Schneiderlin kaddib marki macallin Mourinho caddeeyay inuusan hor istaagi doonin go’aanka xiddigan.

Macallinka Kooxda Everton Ronald Koeman aya raba inuu lacag 24 Million oo gini dib ugula midoobo xiddigi uu hore ugu haystay kooxda Southmapton ee Schneiderlin kaas oo aa xilli ciyaareedkaan kooxda macalli Mouriho kasoo muuqn ugu yaraan xataa hal kulan iyadoona xiddigaan loo sheegay inuu koox cusub raadsado.

Dhanka kale macallinkan ayaa doonaya inuu amaah ku qaato xidiga flopp ka ka noqday garoonka Old Trafford ee Memphis Depay kaas oo aan ku jirin qorshaha macallin Mourinho waxaana lagu qiimeeyaa 25 million.

“Waxaan had iyo jeer dhegeystaa dalabyada “ayuu Mourinho u sheegay saxaafadda ” Ciyaartoy kasta oo ii yimaadda isla markaasna ii sheega inusan ku faraxsanayn kooxda kaddibna aan helo dalab macquul ah kama hor istaagi doono inuu dhaqaaqo”

“Xataa hadii dalabkaasi ka yimi kooxaha nala tartamaya , sida markii Mata uu ka tegey Chelsea isla markaasna ku biiray Manchetser oo kale , Mar walba waxaan ahay qof furan” sidaas ayuu ku faanay tababaraha reer Portugal ee Mourinho.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan