Home / Habka-Nolosha / Kooxda Horseed oo dib ugu laabatay hogganka horyaalka kadib guul ay ka heshay naadiga LLPP Jenyo.

Kooxda Horseed oo dib ugu laabatay hogganka horyaalka kadib guul ay ka heshay naadiga LLPP Jenyo.

Kooxaha LLPP Jenyo iyo Horseed ayaa galabta isku fara-saaray garoonka Banaadir Stadium ee dagmada Cabdi Caziiz, kulankii 22-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan. Naadiga Horseed ayaa dib ugu laabatay hoggaanka horyaalka kadib markii ay 2-0 la dhacday kooxda Jenyo.

Shaly galab ayey aheyd markii si ku-meel gaar ah ay safka ugu horreeya horyaalka u tiigsatay naadiga Dekedda kulan ay la ciyaareen kooxda Banaadir Sports Club oo natiijo ahan ku soo idlaaday 1-0, hayeeshee Saddexda dhibcood oo ay galabta faraqa ku shubatay kooxda lagu naaneyso Cawo Iyo Maalin, ama Gar iyo Gar-darro ee Horseed ayaa ka dhigeysa in farqiqa goolasha ay hoggaanka ku qabatay kooxda CXDS ee Horseed.

Ciyaartan waxa ay aheyd mid inteeda badan ay maamuleysay Horseed, labada gool ay kaga adkaatay Jenyo, waxa ay kala heshay labada qeyb ee ciyaarta waxaana ukala dhaliyay laacibiinta Bernard Tangui iyo Cali Cadde.

Xasan Cabdi Geesey Xasaasi, ayaa kulankiisii koobaad ka hor yimid naadigii uu kusoo can-baxay ee  LLPP Jenyo, Xasaasi ayaana qeyb ka ahaa ciyaartooydii ka kala firxaday Jenyo Dhamaadkii xagaagii hore, markaas oo naadigu uu dhumiyey dhamaan laacibiintii safka koobaad ee kooxda.

Maalinta Isniinta ah ayuu dhici doonaa kulanka ugu xiisaha badan qeybta hore ee horyaalka marka ay faltamaan labada kooxood ee ugu horreya tartanka ee Horseed iyo Dekadda.

Maalinta biri ah waxaa is wajihi doona kooxda Elman FC iyo Madbacadda Fc, ciyaar ka dhici Doonata Koonis Stadium.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan