Home / Habka-Nolosha / Kooxda horyaalka difaacaneysa ee Dakedda oo galabta ka guuleysatay naadiga Banaadir Sports Club.

Kooxda horyaalka difaacaneysa ee Dakedda oo galabta ka guuleysatay naadiga Banaadir Sports Club.

Kulan adag ayaa galabta ku dhex maray garoonka Banaadir Stadium ee degmada Cabdi Caziiz labada kooxood ee Dakedda iyo Banaadir Sports Club, wuxuuna ahaa kulankii 21-aad ee fasal-ciyaareedkan ka qabsooma Horyaalka dhawaan loo bixiyey magaca Somali Premier League.

Kooxda Dakedda ayaa u muuqatay koox heysata kalsooni dheeraad ah marka loo eego in ay hiyiin naadigii horyaalka hantiyey xagaagii dhamaaday ee 2016-2017, halka Banaadir oo inteeda badan isku badeshay jiil cusub ay u muuqdeen kuwo kusoo shir tagay difaac.

La’aanta ciyaartooy badan oo safka koobaad ka ahaa Banaadir Sports Club, tan iyo markii dib loogu soo laabtay garoonka Koonis 2013-kii, waa dhibaatada ugu weyn oo ay u dhutineyso kooxdan horyaalka Somaaliya qaaday iyada oo aan marna laga badin sanadkii 2013-kii.

Halka naadga Dakedda oo horyaalka u dabaal-dagtay xagaagii lasoo dhaafay ay wali ku faaneyso isla qaan-qaad ku dhisan is-fahan difaac ilaa weerar ah.

Ciyaartu waxa ay ku bilaabatay daganaan u muuqday kala cabsi labada dhan ah, hayeeshee kooxda Dekedda oo tug-tug rooneed billaw ilaa dhamaad ayaa weerar dagdag ah ku heshay goolgeeda waxaana kubadda oo markii hore garab ka timid afaafka hore ee diilinta ganaaxa ka helay xiddiga lambarka 24-aad ee Raymond Mbugua Murugi kaas oo darbo awood badneyd daba mariyey gool-wadaha Banaadir SC.

Qeybtii hore ee ciyaarta inta aysan dhamaan waxaa ciyaarta dhaawaca looga saaray xiddiga Banaadir Lambarka 24-aad u xirta ee Axmed Baanuu, kaas oo uu soo gaaray dhaawac madaxa ah markii ay isku dheceen laacibka difaaca uga ciyaara Dakedda ee Seyed Cali.

Markii dib lais kuugu  soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, in badan kulanka jawigiisu waxa uu lamid ahaa kii qeybtii hore mana aysan dhicin in labada koox midina ay gaarto shabqa  kooxda kale.

Jeyna, Daadir Amin iyo Daadir Cama oo ahaa laacibiintii uu macalinka Banaadir kasoo kiciyey kursiga keyda ayaa dhamaantood saameyn muuqata kulankan ku yeelan maadaama ay awoodi waayeen in ay wax ka badalaan natiijadii kulanka.

Ugu danbeyn ciyaarta ayaa waqtiqii loogu tala galay kusoo idlaatay 1-0 oo ay ku adgaatay kooxda horyaalka difaacaneysa e Dakedda.

waxaa qoray: Cabdi Caziiz Urur

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan