Home / Habka-Nolosha / Kooxda Inter Milan Oo ku Afduubatay Weeraryahankeeda Icardi 99 Million Oo Puond Si Ay isbaaro Uga Dhigato Damaca Arsenal iyo Chalsea.

Kooxda Inter Milan Oo ku Afduubatay Weeraryahankeeda Icardi 99 Million Oo Puond Si Ay isbaaro Uga Dhigato Damaca Arsenal iyo Chalsea.

Kabtanka naadiga Inter Milan Mauro Icardi ayaa qandaraas muddo kordhin ah la galay naadigiisa.

Kooxda Internazonale ayaa jimcihii shaly shaacisay in halbawlahooda Icardi uu la sii joogi doono ilaa 2021.

3932502200000578-3827469-image-m-2_1475856560843

http://radiohimilo.so

img20161008_084536

http://radiohimilo.so

23 jirkaan reer Arjantiin ee weerarka ka dheela ayaa xagaagaan wacdaro ku bilwday ka gadaal markii uu 6 gool dhaliyay 7 kulan oo ka soo muuqday horyaalka Serie A.

Naadiga Inter Milan ayuu kaga soo biiray Sampdoria xilli ciyaareedkii 2013-2014 isagoona kabtanka kooxda noqday 2 sano ka dib ku soo biiritaankiisii San Siro.

Icardi ayay warbaahintu hadal heysay inuu ka dhaqaaqi doono gigida San Siro dabayaaqada xilli ciyaareedkaan isagoo lala xiriirinayay naadiyo dhawr ah oo ka tirsan horyaalka English Premier League sida Arsenal iyo Chelsea ha yeeshee waxa taas beeniyay sixiixa cusub ee xidigaan heerka caalami ee reer Arjentine.

Heshiiskaan cusub ee Icardi ayaa waxa uu ku kacayaa 110 Million ee euros una dhiganta 99 Million oo Paund.

Qoraal la soo dhigay Mareegta ay leedahay Internazionale ayaa si cad loogu sheegay in qandaraaska Icardi uu dhici doono islamarkaana uu ku egyahay 30 June 2021.

Weeraryahankaan ka soo jeeda Arjentine ayaa ku dhashay magaalo xeebeedka Rosario 19 February 1993.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan