Home / Cayaaro / Kooxda Juventus oo seegtay saxiixa Shkodran Mustafi

Kooxda Juventus oo seegtay saxiixa Shkodran Mustafi

Himilo –Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u badan tahay inaysan dhameystirneyn u dhaqaaqida maalinta ugu dambaysa ee suuqa Daafaca kooxda Arsenal Shkodran Mustafi .

Marwada Duqda  ayaa xagaagan suuqa kala iibsiga ku bixisay 77 milyan ginni oo ku aadan saxiixa Matthis de Ligt xagaagan, laakiin dhaawac daran oo soo gaarey kabtanka Giorgio Chiellini ayaa muhim u ahaa raadinta daafaca.

Mustafi ayaa ka mid ahaa xulashooyinka ay eegayaan kooxda heysata horyaalka Serie A xilli ay doonayaan inay heshiis dhaqso ah ku dhameystaan, iyadoo Dejan Lovren isna lagu tirinayo inuu liiska musharixiinta ku jiro.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Sky Sports News, heshiis kasta oo lala galo xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa la sheegay inaysan macquul aheyn.

Iyadoo suuqa kala iibsiga Ingariiska uu xirmay 8dii Agoosto, kooxaha Serie A waxa ay heystaan ilaa Caawa si ay u dhameystiraan saxiix walba maalinta kama dambeysta suuqa kala gadashada.

Booska Mustafi ee kooxda Arsenal dooqeeda koobaad ah ayaa halis galay waqtiyadii ugu dambeeyay qaladaad badan oo isdaba joog ah oo uu sameeyay iyo ka imaatinka Chelsea  David Luiz.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan