Home / Cayaaro / Kooxda Man City oo ku biirtay loolanka loogu jiro Nathan Ake

Kooxda Man City oo ku biirtay loolanka loogu jiro Nathan Ake

Himilo- Manchester City ayaa u aqoonsatay daafaca Bournemouth Nathan Ake inuu noqon karo saxiixiisa mid macquul ah bisha Janaayo.

Inkasta oo ay jiraan arrimo dhaawac oo soo noqnoqda oo ku saabsan khadka dhexe, Pep Guardiola ayaa ku adkeystay in City aysan isku deyi doonin inay la soo saxiixato daafac dhexe oo cusub bartamaha xilli ciyaareedka.

Si kastaba , Sky Sports News ayaa sheegeysa in kooxda heysata Premier League ay ka fiirsaneyso inay  soo bandhigto qaab ay ku heli karto Ake, kaasoo laga yaabo inuu ku kaco in ka badan 40 milyan ginni.

 Ake kooxdiisii hore  Chelsea ayaa xilligan loo arkaa kuwa ugu cadcad inay la soo wareegaan 24 jirka iyagoo isha ku haya inay adkeeyaan difaacooda bilowga sanadka 2020.

Da’diisa oo lagu tixgeliyo inuu yahay cayaaryahan mustaqbal leh, City waxaa laga yaabaa inay u aragto xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands inuu yahay kudarsiga ugu fiican.

Ake ayay u badan tahay inuu dhaawac ku maqnaan doono dhowr toddobaad ka dib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray dhamaadkii Isbuuca.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan