Home / Macluumaad / Kooxda ugu weyn caalamka ee ka ganacsata maandooriyaha oo lakala furfuray

Kooxda ugu weyn caalamka ee ka ganacsata maandooriyaha oo lakala furfuray

Himilo – Maamulka la dagaalama maandooriyaha ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay inay kala furfureen kooxda ugu weyn kooxaha ka ganacsada daroogada sida ay qortay wakaaladda AP.

Waxaa gacanta lagu dhigay ku dhawaad 250 xubin oo katirsan kooxda Jalisco New Generation Cartel iyo 600 kg oo maandooriye ah.

Dhowrkii billood ee ugu danbeysay, waxaa la xeray 600 qofood oo kamid ah kooxda halka gacanta lagu dhigay 15,000 kg oo ah maandooriyaha Methamphetamine oo qiimo ahaan u dhigma 20 Milyan oo doolar.

Jalisco New Generation Cartel ayaa lagu tiriyaa kooxaha ugu waaweyn caalamka ee ka ganacsada maandooriyaha. Waxay leedahay 100 xarun oo lagu soo saaro maadada Methamphetamine iyada oo ka mas’uul ah inka badan seddex meelood meel suuqa daroogada Mareykanka.

Bishii Febraayo ee tagtay, waxaa gacanta lagu dhigay ninka labaad ee kooxda balse hoggaamiyahooda ayaa wali baxsad ah. Waxaa madaxiisa saaran adduun dhan 10 Milyan oo doolar.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan