Himilo – Weeraryahanka Emmanuel Adebayor ayaa lagu soo waramayaa inuu u muuqdo bartilmaameed macquul ah oo seddex koox oo Premier League ah diiradda u saaran.
Adebayor – oo horay ugu soo ciyaaray Manchester City, Arsenal, Tottenham Hotspur iyo Crystal Palace – ayaa lagu heli karaa suuqa xorta ah isagoo si xor ah uga soo tegay Istanbul Basaksehir.
Sida laga soo xigtay The Sun, West Ham United ayaa muujineysa xiisaha ay u qabaan 35 jirkan markii ay iska fasaxeen Andy Carroll dhammaadka qandaraaskiisa.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in halyeeygani uu doonayo inuu ku noolaado London, waxa taasi u horseedi karta Watford oo sameynaysa dadaal ay kula soo saxiixaneyso xiddigii hore ee Togo.
Sheffield United ayaa sidoo kale la sheegayaa inay isha ku heyso xaaladiisa, inkastoo u wareegista Gagida Bramall Lane ay umuuqato mid aan macquul aheyn xilligan.
Adebayor wuxuu dhaliyay seddex gool 19 kulan oo uu saftay intii lagu gudajiray ololihii ugu dambeeyay.